Muqdisho: (Sh.M.Network)— Kullan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Jufada Beesha Ayaanle Ceyr ayaa waxa ay ku cambaareeyeen Ugaaska Beesha, iyagoo dhinaca kale sheegay inay dhigayaan gogol ay isugu keenayaan dhamaan Beesha Ceyr si looga hadlo Masiirka Beesha.
Wabar Cabdullaahi Orey oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha Ayaanle Ceyr oo kullankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in muddooyinkii dambe uu Waajibkiisa gudan waayay Ugaaska Beesha Ceyr, taasi oo sababtay sida uu sheegay in Jufooyinka qaar ka mid ah Beeshaasi ay ku dhawaaqaan inay sameysteen Ugaasyo gaar ah halka kuwa kalena ay ku howlan yihiin.
Wabarka ayaa waxa uu sheegay in muddo yar ay ku dhigi doonaan Gogol ay isugu keenayaan dhamaan Beesha Ceyr oo ay kaga tashanayso Masiirkeeda.
“ Waxaa ku dhacay Beesha Ceyr dhibaato ka timid xagga dhaqanka oo ah ciddii loo dhiibay dhaqanka oo ilaaliya la yiri in farahooda lagala baxay oo dad gaar ah ay dhaqankii Ceyr ku cayaareen oo kuwii loo dhiibayna ay noqdeen kuwa Jilicsan, Ceyr waxaa ku dhacay Kala tafaraaruf kuwa ka mid ah Ugaasyo ayay dhisteen, kuwa kale way baxsadeen, dhibaatadaasi ayaan gurmed ka ahay, waxaan ahay Wabarkii Beesha Ceyr” sidaasi waxa yiri Wabar Cabdullaahi Orey.
Nuur Xasan Dhoore oo ka mid ah Waxgaradka Jufadaha Ayaanle Ceyr oo isna kullanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay dhigayaan gogol cusub si ay u doortaan Ugaas cusub oo ay yeelato Beesha Ceyr si loo bad baadiyo dhaqanka Beesha Ceyr oo uu sheegay in uu faraha kasii baxayo.
Imaam Cabdullaahi Imaam Khaliif oo ah Imaamka guud ee Beesha Habar-gidir oo kullankaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyay go’aanka Jufada Ayaanle Ceyr ee ah inay gogol u fidinayso Jufooyinka Beesha Ceyr si ay meesha kaga baxdo mad madowga soo kala dhexgalay muddooyinkii dambe dhaqanka Besha Ceyr.
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Beesha Ceyr dhexdeeda uu ka jiro mad madow soo kala dhexgalay taasi oo kalilftay in Jufooyinka qaarkood ay sameystaan Ugaasyo u gaar ah.























Comments are closed.