Maxkamadda sare oo fasaxday Xubnihii laga soo celiyay barlamanka cusub

maalik_som August 28, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Maanta oo Talaado ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 28/08/2012-ka waxaa Maxkamadda sare ee dalka ay u fariisatay Dhageysiga Dacwado loo heystay Guddiga Farsamada taasi oo ku aaddan in guddigaasi uu dib kaga celiyay barlamanka Soomaaliya Xubno ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka.

Xubanahaani oo tiradoodu gaaraysa illaa 17-ruux ayaa qareenkii u doodayay waxaa Maxakamadda uu u jeediyay Dacwado ka dhan ah Guddiga Farsamada, taasi oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in Maxkamadda ay go’aan ka gaarto arrintaasi.

Markii ay soo gaba gabowday dhageysiga Dacwadda islamarkaana goobta lagu soo bandhigay mid ka mid ah Marqaati guddiga farsamada ku Marqaati furayay inay jeex jeexeen warqad guddiga looga codsanayay inay ku horyimaadaan Maxkamadda ayaa Maxkamadda sare waxa ay qaadatay go’aan ay ku laalayso diidmadii guddiga farsamada.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Abukaate Ceydiid Ilka Xanaf oo gaba gabadii Maxkamadda ku dhawaaqay Xukunka ayaa waxa uu sheegay in 17-ka Xubnood ee Maxkamada dacwadaha usoo gudbiyay 3-ka mid ah Maxkamaddu aysan faro gallin ku sameynaynin dacwadoodu balse 14-ka kale ay xor u yihiin inay ka mid noqdaan barlamanka, lana doorto, waxne ay doortaan.

Fadhigga Maxkamadda ayaa soo afjaraya khilaaf ka taagnaa ka mid noqashada barlamanka qaar ka mid ah Xubnihii guddiga Farsamada ay ka celiyeen barlamanka Soomaaliya, hase ahaatee Mas’uuliyiinta Guddiga Farsamada oo ka hor inta aysan go’aanka gaarin Maxkamadda ay sheegeen inaysan dhag jalaq u siineyn go’aan kasta oo Maxkamadda sare ay ka qaadato Xubnaha guddiga Farsamada ay u diideen barlamanka cusub ee Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter