Muqdisho: (Sh.M.Network) — Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta kullanka lagu horkeenayo R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya waxa ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Idaacadda Shabelle waxa kullankaani u xaqiijiyay Xildhibaan Max’ed Cumar Max’ud oo ka tirsan barlamanka kaasi oo sheegay in uu ku wargalinayo Xildhibaanada Soomaaliyeed in maanta barlamanka Soomaaliya uu fadhi ku leeyahay Muqdisho, islamarkaana la horkeeni doono R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.
“ Waxaan Xildhibaanada Soomaaliya ee dhageysanaya Idaacadda Shabelle ku wagalinayaa in maanta uu jiro fadhiga barlamanka Soomaaliya, marka hala soo xaadiro, kullanka maanta waxaa imaanaya R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, waxaa laga yaabaa in Xildhibaanada ay ka hadlaan” sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Max’ed Cumar Max’ud.
Dhawaan ayay aheyd markii Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya kullan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ay ku wargaliyeen Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya in si deg deg ah Xildhibaanada lagu horkeeno R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo.























Comments are closed.