Barlamanka oo ka doodaya Doorashada Madaxtinimo ee dalka

maalik_som August 30, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in kullan ay isugu yimaadaan Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya, kaasi oo uu iclaamiyay Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Prof. Max’ed Cismaan Jawaari.

Si aan wax badan uga ogaano Ajandaha kullanka uu yahay ayaa xiriir aanu la sameynay Xildhibaan Cismaan Libaax oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka waxa uu sheegay in maanta la filayo in Xubnaha guddoonka sare ee barlamanka ay qudbadahooda ka wada jeediyaan  Mudanayaasha hortooda, isagoo tilmaamay in si aad ah loo wada dhowrayo qudbadda guddoomiyaha barlamanka.

Cismaan Libaax  Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in qorshaha uu ku jiro wada tashi la xiriira qaabkii laga yeeli lahaa guddiga doorashada Madaxtinimada ee dalka Soomaaliya, haddii guddiga Doorashada barlamanka loo ogolaado in uu howshiisa sii wato iyo in la magacaabo waji cusub oo qaban qaabiya doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Fadhiga maanta ay isugu imaanayaan Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu yahay Fadhigga Koowaad kala fadhiggiisa shanaad ee Xildhibaanada barlamanka Federalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter