Muqdisho: (Sh.M.Network) — Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta cod caqlabiyad leh ku ansixiyay R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
Kullanka oo ka dhacay Xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay Xildhibaanada ku ansixiyeen R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud, iyadoo Xildhibaanada maanta soo xaadiray tiradoodu ay gaarayso illaaa 215-Mudane.
Madaxweynaha Dowladda oo ka hor hadlay barlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka dalbaday Xildhibaanada inay ansixiyaan R/wasaaraha islamarkaan ay siiyaan codka Kalsoonida, isagoo xusay in R/wasaaraha uu kusoo xushay aqoon iyo karti.
Intaasi kaddib ayaa Makarafoonka waxaa la wareegay Guddoomiyaha barlamanka Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari kaasi oo u yeeray R/wasaaraha si uu uga hadlo inta aan la ansixin ka hor waxa uu ka qabanayo xaaladaha Soomaaliya, isagoo sheegay in is badallo cusub uu la imaan doono.
Inkastoo fadhiga maanta ay soo xaadireen illaa 215-Mudane ayaa haddana waxaa la sheegay codka loo qaadi karo, waxaana dhamaan Xildhibaanada ay Codka gacan taagga ah siiyeen R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon kaasi oo si aad ah ugu farxay markii ay Xildhibaanada oo dhan u codeeyeen.
Dhawaan ayay aheyd markii Guddoonka sare ee barlamanka uu ku wargaliyay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya in la horkeeno R/wasaare Saacid si looga qaado Codka Kalsoonida. Iyadoo maanta ugu dambeyn ay ansixiyeen Xildhibaanada R/wasaaraha.























Comments are closed.