Nairobi: (Sh.M.Network)—Guddoonka sare ee barlamanka Kenya ayaa soo dhaweeyay magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Guddoomiye ku xiggeenka barlamanka Kenya Faarax Macalin oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Kenya ay u hambalyeyneyso R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo xusay in R/wasaaraha cusub uu wax badan ka qaban karo Xaaladda dalka Soomaaliya islamarkaana wixii caqabad ku ah ee soo faadsaara Kenya ay diyaar u tahay inay kala shaqeyso Dowladda Soomaaliya.
Faarax Macalin ayaa waxa uu intaasi ku daray in labada Dowladood ee dariska ah ay ka wada shaqeyn doonaan iskaashi ku aaddan dhinaca ammaanka oo looga hortagayo dhibaatooyin gaara labada shacaba ee Kenya iyo Soomaaliya iyo la dagaalanka Kooxda Al Shabaab oo xiriir la leh Al-qaacidda.
Hadalkaani ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli maalin ka hor Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya uu soo magacaabay R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya kaasi oo ay si diiran usoo dhaweeyeen qaar ka mid ah wadamada Beesha Caalamka.























Comments are closed.