Muqdisho: (Sh.M.Network)— Taliyaha Hay’adda Dambi baarista ee CID, ahna Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneral Cabdullaahi Xasan Bariise oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ugu baaqay Dadka shacabka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho in aysan soo dhawaysan firxadkii ka haray Xarakada Al Shabaab.
Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa waxa uu sheegay in Shacabka Muqdisho looga baahan yahay in guryahooda ay ka saaraan haraadiga Al Shabaab, isagoo xusay in howlgallada lagu baacsanayo Kooxdaasi ay sii socon doonaan illaa Shabaabku laga sifeynayo Magaalada Muqdisho.
” Yaan farqaha la gashan dadka dhibaatada wada, marka haddii aanu nahay Ciidanka Soomaaliyeed way naga go’an tahay inaan wax ka qabano dhibaatooyinka Haraadiga Al Shabaab, shacabka waxaan kaga digaynaa in guryahoodu ay ka kireeyaan rag Al Shabaab ah” sidaasi waxa yiri Cabdullaahi Xasan Bariise.
Shalay ayay aheyd markii inka badan 300-oo ruux iyo hub ay Ciidamada booliska kusoo qab qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho, iyadoo baaritaan kaddib la siiyaayay intii dambe lagu waayay kuwa kalena loo taxaabay Xabsiyada Muqdisho ee Dowladda Soomaaliya.























Comments are closed.