Barakacayssha Muqdisho oo codsaday in la gargaaro

maalik_som October 25, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Xilli Maalinta beri ah lagu wado in loo dabaaldego Munaasabada Ciidul Adhxa ayaanan wax diyaar garow ah oo la xiriira munaasabadaasi aan laga dareemeyn qosaska Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho.

Qoysaskani oo ah kuwo danyar ah islamarkaasna ka soo barakacay Gobolada qaar ee dalka ayaa sheegay in aysan haysan wax ay ugu diyaar garoowaan Munaasabada Ciidul Adhxaha, iyagoona dowladda Soomaaliya iyo cidkasta oo wax haysata ay ka codsadeen in la gargaaro Maalinta beri ah si ay qeybaha kala duwan ee Shacabka ula qeybsadaan faraxada Munaasabada Ciida.

Maalinta Beri ah ayaa waxaa lagu wadaa in loo dabaaldego faraxadda Munaasabada Ciida, iyadoona ay xusid mudantahay in xirooyinka dadka barakacayaasha ah ee Magaalada Muqdisho aan laga dareymeyn diyaargaroow ku aadan munaasabada Ciidul Adxaha.

Comments are closed.

Facebook

Twitter