Gaalkacyo(Sh.M.Network)—Barakacayaal ku nool Xeryo Kuyaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ka deyrinaya Xaaladooda nololeed.
Qaar ka mida Barakacayaashani oo lasoo Xiriiray xafiiska Idaacadda Shabelle ee Magaalada Gaalkacyo ayaa faah faahin ka bixiyay Xaaladooda nololeed iyagoo sheegay in dhibaato Macluul iyo Caafimaad darro dhibaato isugu Jirta ay ku heesato xeryahaasi.
Dadkaan ayaa ka codsaday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug in gurmad Samafal oo Def dega Loo sameeyo.
Barakacayaashani ayaa ugu dambeyn sheegay in ay ka go’een Gargaarkii samafalka ahaa ee halkaasi ay geyn jireen Hey’adaha Samafalka taasi oo ay codsadeen in dib loo soo celiyo maadaama ay heesato Hoy la’aan Cunno Xumi iyo Caafimaada Darro
Caruurta qoysaskaani Barakacaayasha ayaa waxa ay la noolyihiin Cudurro kala duwan sida Cudurka Jadeecada iyo Hergeb Xilliga kuleelada ah dadkaasi soo wajaha























Comments are closed.