Barakacayaal dibadbax ka dhigay Magaalada Muqdisho

maalik_som October 21, 2012 Comments Off

Moqdisho (Sh.M.Network)—Barakacayaal ku dhibateeysan Magaalada Muqdisho ayaa maantay dibadbax ka dhigay qeybo ka mid ah Muqdisho.

Qoysaskani oo ah kuwa ka soo barakacay Gobolada Bay iyo Sh/hoose ayaa dibadbax ballaaran oo ay kaga cabanayaan xaalad nolol xumo waxa ay maanta ka dhigeen nawaaxiga xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Magaalada  Muqdisho. 

Qoysaskaani ayaa sheegay in muddo 7-bilood ah ay degenyihiin halkaasi, iyagoona muujiyay in ay san jirin illaa iyo hadda cid gar gaar Beni aadminimo u fidisay, waxaana ay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gar-gaarka in gurmad Beni admi nimo oo deg deg ah ay la soo gaaraan, maadaama sida ay sheegeen ay haysato xaalad nolol xumo oo aad udaran. 

Qaar ka mid ah dadka dibad baxa dhigayay ayaa sheegay in xaaldooda ay ka sii dareyso hadii aan cagan aadiminimo lala soo gaarin waxana ka codsadeen dhamaam dadka Soomaaliyeed in gar garaar la soo gaaraan. 

Maalamihii ugu dambeeyay ayaa waxa isi soo tarayay dadka barakacayaasha ah ee ku nool Magaalada Muqdisho kuwaasi oo kacabanaya xaalado nolol xumo oo soo wajahay iyagoona dowladda Soomaaliya ka codsanayay in ay wax u qabato.

Comments are closed.

Facebook

Twitter