Muqdisho: (Sh.M.Network)— Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Bandow ay si wadajir ah usoo rogeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ururka Raaskambooni xalay uu si toos ah kaag dhaqan galay gudaha Magaaladaasi.
Ciidamada huwanta ah ayaa lagu soo waramayaa in xalay oo dhan ay gaafwareegayeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada, iyagoo xaqiijinaya ammaanka, islamarkaana isha ku hayay cidda sameynaysa dhaq dhaqaaq, maadaama Magaalada ay kusoo rogeen Bandow.
Kornel Max’ed Faarax Daahir oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo saakay la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in uu dhaqan galay Bandowga, inkastoo uu xusay in howlgallo ay sameeyeen ay kusoo qab qabteen dad badan oo kacaga jiiday jiritaanka Bandowgaasi.
Bandowgaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmihii dambe shacabka ku nool halkaasi ay qaati ka taagnaayeen Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda oo dhac u gaysta, iyadoo saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen in Bandowga u jeedka laga leeyahay uu yahay in lagu baacsado Kooxahaasi.























Comments are closed.