Banaanbaxyo ruxay Muqdisho iyo Kismaayo

maalik_som September 14, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday Dowladda Maraykanka ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ee gobolada Jubbada hoose iyo Banaadir. 

Banaanbaxaani oo ahaa mid ballaaran ayaa maanta waxa dad careysan ay ka dhigeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyagoo socod dheer kusoo maray qaar ka mid ah Xaafadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho. 

Dibadbaxayaasha oo wajiyadoodu laga dheehan karay shacuur ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigayo ka dhan ah Filim dhawaan lagu sameeyay dalka Mareykanka kaasi oo lagu aflagaadeeyay Nabigeena Muxamed (N.N.K.H). 

Qaar ka mid ah Banaanbaxayaashaani oo isugu jiray rag iyo Haween ayaa iyagoo ilmeynaya waxa ay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay falka foosha xun ee gafka loogu gaystay Nabigeena Muxamed (N.N.K.H). 

Dhinca kale Banaanbax kaasi la mid ah  oo ay dhigeen Dad weyne aad u farabadan waxa ay ka dhigeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose kaasi oo ay soo abaabuleen Saraakiisha Ciidamada Al Shabaab.

Banaanbaxaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli qaar ka mid ah Dunnida Muslimka ah ay ka socdaan Banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday Filim sameeyeyaal u dhashay dalalka Israel iyo Maraykanka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter