Banaanbaxayaal lagu dilay Afgooye

maalik_som August 24, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda ayaa maanta rasaas qasaro gaysatay ku furay dad rayid ah oo banaanbax ka sameynayay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Hal qof ayaa geeriyootay labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka gadaal markii rag ku labisan Dareeska Ciidamada Dowladda ay si bareer ah rasaas ugu fureen Banaanbaxayaal ka qeyb qaadanayay dibadbax lagu waday in uu ka dhaco degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dibadbaxayaasha rasaasta lagu furay ayaa ka cabanayay Maamulka gobolka Sh/hoose iyo Isbaarooyin lasoo dhigay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye sida Idaacadda Shabelle ay u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Afgooye ee dowladda KMG ah.

Mid ka mid ah dadkii ka qeyb qaadanayay dibadbaxa ayaa Shabelle u sheegay in Banaanbaxoodu uu soo bilowday maalintii shalay xilli maantana lagu waday in mar kale ay socod ku maraan qeybo ka mid ah degmada Afgooye, rasaas ay ku fureen rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda.

Falkaani lagu rasaaseeyay banaanbaxayaasha ah ayaa waxa si kulul ugu jawabay islamarkaana wax laga xumaado ku tilmaamay guddoomiyaha degmada Afgooye ee Dowladda KMG Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Ibey kaasi oo sheegay in baaritaanno lagu hayo dadkii ka dambeeyay falka maanta lagu waxyeeleeyay banaanbaxayaasha.

Guddoomiyaha ayaa  waxa uu intaasi ku daray in banaanbaxayaasha ay soo bandhigayeen Dareenkooda ku aaddan sida ay ugu xun yihiin Isbaarooyin lasoo dhigay inta u dhaxeysa Muqdihso iyo Afgooye iyo Cuuryaamin uu sheegay in lagu hayo degmada Afgooye.

Shalay ayay aheyd markii Banaanbax dadka Reer Afgooye ay ka sameeyeen degamdaasi, hase ahaatee waxa aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee maanta rag ku labisan dareeska Ciidamada dowladda KMG ah ay rasaasta qasaaraha gaysatay ugu fureen banaanbaxayaasha.

Comments are closed.

Facebook

Twitter