Banaanbax lagu taageerayay Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho

maalik_som September 9, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Banaanbaxaani oo ahaa mid ballaaran islamarkaana ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu taageerayay Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda, ahna Musharaxa u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho. 

Banaanbaxayaasha ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarbuunka, Sayidka iyo Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay ereyo ay ku muujinayaan sida ay u taageersan yihiin Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo. 

Sido kale Banaanbaxayaasha ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Soomaaliyeed haddii ay yihiin kuwa qaran inay doortaan Musharaxa ay dadka doonayaan oo ah Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo sida ay hadalka u dhigeen.

Muddooyinkii dambe ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa ka dhacyay banaanbaxyo lagu taageerayo Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, iyagoo taageeraya qaar ka mid ah Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter