Banaanbax lagu taageerayay Caleemo saarka Madaxweynaha, Muqdisho

maalik_som September 17, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Banaanbaxaani oo ahaa mid ballaaran  islamarkaana lagu taageerayay Caleemo saarka Madaxweynaha  cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu maanta  ka dhacay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir. 

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Erayo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin xil wareejintii shalay ka dhacday Xarunta Iskool Buluusiya ee Magaalada Muqdisho oo lagu Caleemo saaray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud.

Dadka dhigayay Banaanbaxa ayaa waxa la hadlay Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab Max’ed Cali Axmed, wuxuuna sheegay in dadka ku dhaqan degmadaasi ay ku faraxsan yihiin Caleemo saarka Madaxweynaha islamarkaana mar waliba ay ka go’an tahay inay taageeraan is badalka cusub oo uu dalka galay sida uu hadalka u dhigay. 

Maalmihii dambe ayaa qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaa ka dhacayay Banaanbaxyo lagu taageeraya Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay jiraan Madax ka tirsan Caalamka oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub oo ku aaddan in uu wax ka qabto xaaladaha Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter