Kismaayo: (Sh.M.Network) — Dibadbaxayaashaani oo ahaa dad danyar ah oo ku dhaqan nawaaxiga Wadada dheer ee Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen Ereyo ka dhan ah Guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur Tarsan iyo sidoo kale guddoomiyaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Banaanbaxayaasha ayaa ahaa boqolaal ruux oo si aad ah u caraysnaa kuwaasi oo ku eedeeyay Maamulka gobolka Banaadir in uu lunsaday Deeqo gar gaar ah oo loogu talagalay Dadkaasi sida ay Idaacadda Shabelle u sheegtay mid ka mid ah Haweenkii maanta banaanbaxaasi isugu soo baxay.
Hooyadaasi Soomaaliyeed ayaa waxa ay intaasi ku daray inay kasoo barakaceen gobolada Koofureed ee dlaka Soomaaliya, haatan Magaalada Muqdisho ay joogaan inka badan muddo hal sano, iyadoo hoosta ka xariiqday inaysan wali qaadan Raashiinkii loogu talagalay dadka barakacayasha ah.
Inta badan dadka Barakacayaasha ah ayaa waxa ay si wayn uga cawdaan Maamulka gobolka Banaadir oo hareeyay Musuq maasuq iyo wax isdaba marin baahsan, mana jirto illaa iyo iminka cid si dhab ah ula xisaabtanta Maamulka gobolka Banaadir.























Comments are closed.