Muqdisho: (Sh. M. Network) Banaanbax ballaaran oo lagu taageerayay Xildhibaanadii dhawaan laga soo celiyay ka mid noqoshada barlamanka islamarkaana looga soo horjeeday guddiga farsamada ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Ereyo ka dhan ah guddiga farsamada, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in la tixgalayo go’aannadii kasoo baxay Maxkamadda sare ee dalka, iyagoo ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Xubnaha guddiga farsamada inay tixgalliyaan rabitaanka shacabka islamarkaana ay joojiyaan faragallinta qaawan oo ay ku hayaan Xubnahaasi.
Mid ka mid ah Haweenkii banaanbaxa dhigayay ayaa ku baaqday in la tixgaliyo hadalka Madaxweynaha islamarkaana loo dhego nuglaado baaqyada shacabka dibadbaxyada dhigaya.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in Xubnahaasi ay soo gudbiyeen Beelahooda islamarkaana ay sharci darro tahay in is hortaag lagu sameeyo, waxaana ay sheegtay in Soomaaliya la doonayo inay ka baxdo Kumeel gaarnimada in shacabka lagu xakumo cadaalad iyo sinnaan.
Dibadbaxaani maanta ka dhacay Muqdisho ayaa daba socda dibad shalay kan la mid ah o lagu dalbanayay in Xubnihii dhawaan guddiga farsamada ay soo celiyeen ay ka mid noqdaan barlamanka islamarkana inta aan la dooran Madaxweyne la dhaariyo Xubnahaasi.























Comments are closed.