Shalanbood: (Sh.M.Network) — Banaanbaxaani oo ahaa mid ballaaran islamarkaana ka dhan ahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay deegaanka Shalanbood ee gobolka Sh/hoose.
Dadka dhigayay banaanbaxa ayaa waxa ay ku qaylo dhaaminayeen ereyo ka dhan ah ciidamada Dowladda oo ay sheegeen inay dhac baahsan ka wadaan gudaha deegaankaasi sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka ah.
“ Dhaca waxay nagu bilaabeen markii shalay qarax lala eegtay ilaa iyo hadda dhibaato ayay nagu hayaan Ciidamada, dil, dhac, Boob intaba, waxaan dalbanaynaa in Ciidamadaani nagala qabto” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah oo qariyay magaciisa.
Xaaladda deegaanka Shalanbood ayaa maanta waxa uu ahaa mid kacsan, maadaama shacabka ku dhaqan halkaasi ay ka careysan yihiin Ciidamada Dowladda ee dhibaatada ka wada gudaha degaankaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay banaanbaxyo ka dhacaan deegaaninada ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee gobolka Sh/hoose, hase ahaatee waxaa jiray cabasho kasoo yeerayay Waxgarad iyo Odayaal ku eedeeyey Ciidamada Dowladda inay wadaan dhac baahsan.























Comments are closed.