Banaabax Ka dhacay Degmada Balcad

maalik_som December 6, 2012 Comments Off

Balcad (Sh.M.Network)—Banaabax ka dhan ah Maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Sh.dhexe ayaa Maanta waxa uu ka dhacay Degmada Balcad Ee Gobolka Sh.dhexe.

Sida Idaacada Shabelle  uu u xaqiijiyey Daaud Xaaji Ciro oo ah Afhayeenka Maamulka dowladda Soomaaliya Ee Gobolka sh.dhexe ayaa sheegey in Maanta uu ka dhacay Degmada Balcad Banaabax looga soo horjeedo Maamulka Degmada Balcad.

Afhayeenka ayaa sheegey in banaabaxa uu ka dambeeyey kadib markii Gudoomiyaha degmadaasi iyo ciidamao la socda ay gudaha Degmadaasi soo dhigteyn Bar kontorool oo lacago looga qaadayo Gaadiidka Xarumaha gacansigana ay ku soo rogeyn Lacago ayan ka warqabin Maamulka gooblka Sh.dhexe.

Daaud Xaaji Ciro ayaa sheegey in gudoomiyaha iyo ciidanka la socdey ay dib u soo celiyeen isbaarooyin dhawaan mamaulka gobolka Sh.dhexe uu ku guuleestey iney qaadeyn.

Afhayeenka ayaa intaasi ku darey in Gudoomiyaha degmada balcad iyo ciidanka la socdo markii ay la hadleyn uu ka soo horjeestey inuu qaado bartaasi konotool ee lacagaha looga qaado Gaadiidka.

Waxaa hakad galay Gaadiidka Ka dhex shaqeeya Muqdisho iyo Balcad iyadoo sidoo kale ay manata xiran yihiin dhamaan goobaha Ganacsuga ee Degmada Balcad Sidoo kale aysan shaqeyneyn dhamaan ageeyada Bulshada .

Comments are closed.

Facebook

Twitter