Muqdisho (Sh.M.Network)—Guri kuyaalla xaafadda Warshadda caanaha degmada hodan ee Magaalada Muqdishoa ayaa lagu tuuuray Bam Gacmeed khasaaro xoogan geystay
Bamka ayaa waxaa lagu tuuray guri uu ka dhacayay aroos iyadoona dad ka badan toban qof ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo loola cararay qaar kamid ah Isbitaalada Muqdisho
Taliya kugeenka Buliiska degmada hodan Gaashaanle dhexe Cali Max’ed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen Al Shabaab isagoo intaasi ku daray in dad gaaraya illaa 5 qof ay buliisku goobta ka qaadeen iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay laga daremayo Mashquul iyo buuq Maadaama dad badan ay isugu soo xoomeen waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in xilliga qaraxu uu dhacayay Madasha xafaladda aroos ay ka dhaceysay ay kasocdeen ciyaaro qoob ka ciyaar ah.
Goob joogayaal lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in dad ubadnaa haweyn iyagoo ilmeynaya ay ka hoyden Guriga aroosku uu ka dhacayay oo markii hore iyagoo farxsan ay tageen
wixii warar dheeraad ah ee ku soo kordhaa qaraxaasi kala soco Pageka Shabelle.Net























Comments are closed.