Kulankan oo ahaa kii 19-aad ee kala fadhigii koowaad ee baarlamaanka oo ay maanta ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka xarunta golaha shacabka ayaa waxa ay mar kale kaga doodeen qodobo qeyb ka ah xeerhoosaadka uu ku dhaqmi doono baarlamaanka afarta sano ee soo socoto .
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa inta Kulankani socdey waxa ay si weyn kaga doodeen qodobo dhowr ah oo ku qornaaa dukumenti uu gudiga farsamada ka soo si talo soo jeedan ah kaga soo diyaariyey Xeerhoosaadka .
Mudanayasha baarlamaanka ayaa maalmahan dambe waxay si isdaba joog ah ugu kulmayeen xarunta golaha umadda iyagoo markaasi ka doodayey qodobada xeer hoosaadka talo soo jeedinta loo keeney .
Hayeeshee dood dheer ka dib iyo talo soo jeedin ku aadan xeer hoosaadka ayaa ugu dambeysntii gudoonka sare ee Baarlamaanka Prof Maxamed Sheeekh cusman Jawaari oo kulanka soo xeray ayaa sheegey in uun madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha ka codsanayo iney faahfaahin ka bixiyaan baarlamaanka hortiisa arinta ku aadan xubnihii ka kala socdey Dowladda , Aminsom iyo Qaramada midoobey oo shalay lo diidey in ay galaan Gudaha Magaalada kismaayo .























Comments are closed.