MOGADISHU (Sh.M.Network)— Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah isla mar ahaataana lagu ansixinaayey xeer hoosaadka afarta sano ee soo socoto ay ku dhaqmayaan baarlamaanka Soomaaliya oo mudooyinkii dambe ka doodayeen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kooramka oo ay soo xaadireyn 188 xildhibaan isla mar ahaataana uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pro Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu dheeraadey ka hadalka xeer hoosaadka iyo muhiimada uu u leeyahay baarlamaanka Soomaaliya .
Intaasi ka dib ayaa gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu bilaabey in qaab gacantaag ah loogu codeeyo ansixinta xeerhoosaadka waxaana natiijadii ka soo baxdey codeynta xeer hoosaadka ku dhawaaqey gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya .
Xildhibaan Sooyaan Cusmaan Cabdi oo ka mid ah xildhibanada baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xildhibaano maalmihii ugu dambeeyey si weyn ugu mashquulsanaa ka doodista xeer hosaadka ayaa wax lagu farxo ku tilmaamey in baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyaan xeerhoosaadka.
Ansixinta Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen Xeerhoosaadka ayaa waxa ay meesha ka saareysaa ka dib mudo isbuucyo ah oo baarlamaanka Soomaaliya ay ku mashquulsnaayeen meel marinta xeerhoosaadka afarta sano soo socota ay ku dhaqmayaan .























Comments are closed.