Muqdisho (Sh.M.Network)—Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday wax ka bedelka Xeer Hoosaadka.
Kadib kulan ay ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga doodeen wax ka bedelka Qodobo ka mid ah Xeer Hoosaadka.
Xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay kulanka ayaa soo Jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo qodobo ka mid ah Xeer hoosaad oo uu tibaaxay in ay ku jiraan qaladaad sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo isna kahadlay kulanka ayaa waxa uu sheegau in dastuurka lafa ahantiisa ay ku jiraan qodob iska soo horjeeda kuwaasi oo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo si wax looga bedelo.
Sikastaba inta badan Mudanayaashii ka qayb galay Kulankii Maanta ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah Qodabada Xeer Hoosaadka























Comments are closed.