Muqdisho (Sh.M.Network)— Waxaa Maalintii Labaad hakad galay kulan la qorsheenayay in ay isugu yimaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka si ay uga wada hadlaan qorshaha Xukuumadda ay soo dajisay waxyaabihii u qabsoomay boqolka Maalmood ay Jirto.
Kulanka Maanta ay isugu yimaadeen xuildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray inkayar boqol xildhibaan iyadoo waqti badan la sugayay xildhibaanno buuxiya Kooramka taasi oo dhici weysay.
Xarunta Golaha Shacabka oo ay ku sugnaayeen Tiro xildhibaanno ah ayaa waxa ay u muuqdeen kuwo ka fadhi diriraya Howl kaasi.
Markii uu qabsoomi waayay kulankaasi kadib ayaa tiro suxufiyiin ah oo gaaray Xarunta Golaha Shacabka aroortii hore ee saaka ayaa Ciidamada Ammaanka ee Xarunta Golaha Shacabka waxa ay Suxufiyiinta ku wargeliyeen in ay dibadda u baxaan si Xildhibaanada ay si hoose u wada hadlaan Muddo daqiiqado kadib ayaa Howlka Shirarka ee Xarunta Golaha Shacabka waxaa isaga soo dareeray Xildhibaanada Maanta tagay Xaruntaasi kuwaasi oo saluugsanaa sida ay wax u dheceen.
Xildhibaan Khaalid Cumar Cali iyo Xildhibaan Max’ed Cabdi Shuuriye oo lahadlay Shabelle ayaa waxa ay uga warbixiyeen warbaahinta waxyaabihii maanta uu kulanka u qabsoomi waayay.
Sikastaba kulankaani Manta qabsooomi waayay oo ay yeelan lahaayeen Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Guddoonka Sare ee Baarlamaanka uu sheegay in xildhibaankii ka maqnaada fadhiyada Baarlamaanka lagala xisaabtami doono dhinaca dhaqaalaha sidoo kalena laga fiirsanaayo ka sii mid ahaanshihiisa Xildhibaanada baarlamaanka























Comments are closed.