Muqdisho(Sh.M.Network)—Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay uga doodayeen Guddiyada Baarlamaanka waxa ay ku yeesheen Xarunta Golaha Umadda ee Magaalada Muqdisho
Kulanka ayaa lagu dhageysanayay qudbooyin Xildhibaanadu ay halkaasi ka jeedinayeen oo ay kaga hadlayaan wax qabadka Gudiyaadaan la dhisay iyadoo kulanka ay xaadir ahaayeen 176 Mudane islamarkaana uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad
Guddiyada ay xildhiabaanadu ka hadlayaan wax qabadkooda ayaa gaaraya illaa 16 Guddi oo ay ka midyihiin Guddiga La xisaabtanka Xukuumadda, Guddiga Maaliyadda,Gddiga Xaqiiqa Raadinta iyo Guddiga Warfaafinta iyo Guddiyo kale
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa umuuqda kuwa dar dar Muujinaya marka loo eego Xildhibaanadii KMG ee ka horeeyay waxaana Mudada yar ay Jireen la tilmaamay in wax badan ay uqabteen Bulshada Soomaaliyeed























Comments are closed.