Baaritaanno ku socda dilkii ay gaysteen Ciidamada Kenya

maalik_som September 24, 2012 Comments Off

Jannay-Cabdalla: (Sh.M.Network) Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay Magaalada Dhooblay ee gobolka Jubbada hoose ayaa gaaray deegaanka Jannay-Cabdalla oo ay shalay Ciidamada Kenya ku dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo gaaray 9-ruux.

Saraakiisha Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inay kullamo la qaateen Waxgaradka iyo Cuqaasha ku dhaqan deegaanka Jannay-Cabdalla, waxaana dadka deegaanka ah ay sheegeen inay aad ugu xun yihiin falkii waxashnimada ahaa ee ay gaysteen Ciidamada Kenya. 

 “ Waxay ahaayeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida, halkan Jannay Cabdalla ayay yimaadeen, waxayna sameeyeen baaritaanno, kullamo waxay la qaateen Waxagaradka, sidaasi waxa yiri mid ka mid ah Cuqaasha ku dhaqan halkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay baarayaan arrintaani, islamarkaana haddii ay ku cadaato arrintaani Ciidamada Kenya tallaabo laga qaadayo askartii dilka gaysatay sida ay hadalka u dhigeen. 

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay dhibaatooyinka ay gaysanayaan mararka qaar Ciidamada Kenya sida ay hadalka u dhigeen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Kenya lagu eedeeyo inay dhibaato ka gaystaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Jubbooyinka oo ay ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter