Muqdisho: (Sh. M. Network) Kullan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Isutagga Ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed oo ka dhacay Xarunta Ururka ee Muqdisho ayay kasoo saareen baaqaani hoos ku qoran.
Isutagga Ururada Bulshada Rayidka kaddib markii ay dood dheer ka yeesheen qaabkii soo xulidda Ergadii Ansixinta Dastuurka iyo Xubnaha barlamanka Soomaaliyeed, iyadoo Doorashadii Xorta aheyd ee Guddoonka barlamanka Soomaaliyeed iyo qaabka ay u socoto Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxay taageersan yihiin dhammaan habsami u socodkii Howlahaasi ay kusoo dhamaadeen, sidaasi darteed waxay soo jeedinayaan qodobada hoos ku qoran.
- Waxaan hambalyo u diraynaa Guddiga Farsamada ee soo xulidda (TSC) , kuwaasi oo howshooda u qabtay si wadaniyad ah soona xulay, Ergadii Ansixin laheyd Dastuurka iyo Xubnaha barlamanka, iyagoo raacaya baratakoolkii lagu aas aasay.
- Isutagga Ururada Bulshada Rayidka ah waxay u aragtaa Go’aanka barlamanka ee u ogolaashaha Xubinnimada barlamanka, Xubnihii Guddigga islamarkaana dhaawacaysa kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed ay u hayeen barlamanka Cusub.
- Isutagga Ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed waxay ka codsanayaan Xubnaha sharafta leh ee barlamanka inay doortaan Madaxweyne ka samata bixin kara dhibaatooyinka raggaadiyay Soomaaliya, una horseedi kara xasilooni iyo nabad ku wada noolaasho.
- Sidoo kale Waxay ka cosanayaan barlamanka Soomaaliyeed in codkooda ay u dhiibtaan si cadaalad ah oo xaq soornimo ku dheehan tahay islamarkaana ka fogaadaan eex, nin jeclaysi iyo dan shaqsiyadeed.
- Isutagga Ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed waxay soo dhaweynayaan natiijo kasta oo kasoo baxda Doorashada Madaxwenaha ee dhici doonta maalinta berrito ah oo taariikhdu ku aaddan tahay 10-ka bisha September, 2012.
- Ugu dambeyntii Isutagga Ururada Bulshada Rayidka waxay u soo jeedinaynaa dhammaan Musharixiinta Madaxweynaha iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay ku qancaan natiijada doorashada oo ciddii ku guuleysta lagu taageero, Doorashaduna ay noqoto mid nabad iyo xasilooni ku dhamaata.
Wabilaahi Towfiiq
























Comments are closed.