Axmed Madoobe: Waan gaarnay hadafkii Kismaayo

maalik_som September 29, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network)  Ururka Raaskambooni ayaa sheegay inay ku guuleysteen howlgalkooda ku aaddan Magaalada Kismaayo. 

Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxa Ururka Raaskambooni oo waraysi siinaayay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay ku guuleysteen howlgalkii shalay ay ka sameeyeen nawaaxiga Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.

Sheekh Axmed Islaam ayaa sheegay in Al Shabaab gabi ahaamba ay ka saareen Magaalada Kismaayo, ayna ku guuleysteen u jeedkooda oo ahaa in aan lagu dagaalamin goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah. 

“ Haa howlgalka waxa uu ahaa mid aan lagu dooneyn in lagu dhibaateeyo shacabka, hadda Ciidamadeena ayaa ku sugan gudaha Magaalada” sidaasi waxa yiri Sheekh Axmed Islaam. 

Shalay ayaa dagaal u dhexeeyay Ciidamada Kenya kuwa dowlada iyo Ururka Raaskambooni oo dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab waxa uu ku dhexmaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.

Comments are closed.

Facebook

Twitter