Muqdisho: (Sh.M.Network) Uqeybsanaha Xoghayaha guud QM ee arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay dhabarka ka jabiyeen Al Shabaab, ayna kala wareegeen fariisimihii ugu dambeeyay ee ay ku lahaayeen Jubbooyinka.
Augustine Mahiga ayaa tibaaxay in Madaxweynaah Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud uu ka yimid mid ka mid ah qabaa illada ugu weyn Soomaaliya, sidoo kalana guddoomiyaha barlamanka uu ka yimid mid ka mida qaba illada ugu weyn Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha la magacaabi doonona uu ka imaan doono Qabaailladaasi.
Mahiga ayaa xusay in habka awood qeybsiga ee Soomaalida uu yahay hab ad u fiican, ayna isku qadariyaan sida ay ukala weyn yihiin sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn Augustine Mahiga ayaa xusay inaan loo firin doonin so magacabista R/wasaaraha qaab qabiil oo kaliya, hase ahaatee loo firin doono kartidiisa iyo waxqabadkiisa kaga aaddan arrimaha Soomaaliya.























Comments are closed.