Jannay-Cabdalla: (Sh.M.Network) Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay la sheegay inay yeesheen kullan looga hadlayay sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa Askartii ka dambeysay dilkii dad shacab ah ay Ciidamada Kenya ugu geysteen deegaanka Jannay Cabdalla ee gobolka Jubbada hoose.
Axmed Aadan Xirse Rufle, Afhayeenka Ciidamada Jubbooyinka oo faah faahin ka siinayay Idaacadda Shabelle kullankaasi ayaa waxa uu sheegay in Saraakiisha Kenya ay soo bandhigeen Askarigii dilka gaystay, iyadoo uu tilmaamay in askariga loo qaaday dalka Kenya si Maxkamad loo soo taago.
Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa waxa uu sheegay in dilka ay geysteen Ciidamada Kenya uu yahay illaa 6-ruux oo rayid ah islamarkaana askarigii ka dambeeyay dilkaasi lagu wado baaritaanno sida uu hadalka u dhigay.
Gacan ku haynta gobolada Jubbooyinka waxaa ku loolamaya Ciidamada Dowladda oo gacan ka helay kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab, waxaana ka dhaca dagaal joogto ah oo u dhaxeeya dhinacyadaasi, maadama u jeedka Ciidamada Kenya iyo Dowladda uu yahay inay la wareegaan Meelaha muhiimka ah ee ka tirsan Jubbooyinka oo ay qeyb ka tahay Kismaayo.























Comments are closed.