Askari Rasaas Ku Furey Dad Shacab Ah Degmada Afgooye

maalik_som December 3, 2012 Comments Off

Afgooye (Sh.M.Network)— Askari ka tirsan Ciidamada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu rasaas sababtey dhimasho iyo dhaawac waxa uu ku furey dad rayid ah oo ku sugnaa xaafada Xaako Taaako ee degmada Afgooye ee Gobolka shabeelada Hoose.

Inta la ogyahay hal ruux ayaa geeryoodey halka sedex kalena uu ka soo gaarey dhaawacyo ka dib markii askarigaasi ka tirsan ciidamada dowladda uu isku dayey inuu kaxeeyo labo haween ah oo gacan ka hadal uu dhex marey waxaana amarka askariga ka hortimid mid ka mid ah labadii haween ee dagaalamey taas oo sababtey in askariga uu rasaasta furo.

Askarigii geestey qasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca ayaa wax uu ka baxsadey goobta ay wax yeelado ka dhacdey mana jiro ilaa iyo imika wax war ah oo ka soo baxey Maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka arimiya Degamada Afgooye.

Comments are closed.

Facebook

Twitter