Muqdisho (Sh.M.Network)— Barqanimadii Maanta ayaa Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya waxa uu qof rayid ah ku dilay Agagaarka Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Goob Joogayaal ku sugan Goobta uu dilku ka dhacay ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in uu Muran dhexmaray Askariga iyo qofka Rayidka ah taasi oo keentay in Rasaas uu Huwiyo qofkaasi Rayidka ah taasi oo keentay in uu Goobta ku Geeriyoodo.
Askariga dilka Geestay ayaa si fudud Goobta uga baxsaday waxaana daqiiqado kadib Goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo goobta ka qaaday meydka qofka Rayidka ah.
Goob Jooge ku sugnaa Goobta uu dilku ka dhacay ayaa Idaacadda Shabelle u sharraxay sida ay wax u dheceen.
Maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhayay dilalka dadka Rayidka ah ee aan waxbo Galabsan balse maaha markii ugu horeysay oo Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Muqdisho uu ku dilo qof Rayid ah iyadoona ay Xusid mudantahay in dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Max’ud uu ka dhawaajiyay in Askarigii dila qof rayid ah Maxkamad la soo taagayo islamar ahaantaana la waafajin doono Shareecada Islaamka























Comments are closed.