Muqdisho: (Sh.M.Network)—Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dil bareer ah u gaystay qof rayid ah.
Sida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah, Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Haweenay rayid ah si bareer ah ugu dilay Xaafadda Sooni-key degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Dilka ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay kaddib markii goob Raashin mucaawino ah laga qeybinayay oo ay dad weyne badan ku xoomeen uu Rasaas bareer ah ku furay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, iyadoo uu halkaasi isaga baxsaday Askariga dilka kaddib.
“ Xabado ayuu hoos u furay, dadkii oo dhan ayaa kala cararay Gabadhaan ayaan ku dhimatay Rasaasta”sidaasi waxa tiri Faadumo Yuusuf Cumar oo ka mid ah Ehellada Haweenayda la dilay.
Ma’ahan markii ugu horeysay oo Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay dad rayid ah ku dilaan Magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in aan jirin cid wax ka qabatay dhibaatooyinkaasi iyo dilalka bareerka ah ee loo geysto dadka rayidka ah.























Comments are closed.