Askar Xamar-weyn ku toogatay Askari kale

maalik_som August 24, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Kornel Max’ed Daahir Cabdulle, Taliyaha booliska degmada Xamar-weyne oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu xaqiijiyay in barqonimadii maanta Ciidamada booliska ee Saldhigga degmadaasi ay toogasho ku dileen askari ka tirsanaa Dowladda oo nin ilaalo ka ahaa goob ganacsi uu ka dhacay qorigii uu watay.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ka hor inta aan la dilin Askarigaasi uu la baxsaday qorigii uu lahaa Askarigii kale ee Waardiyaha  ahaa, taasi oo keentay in Ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigaan, kaddibna ay toogtaan.

Sidoo kale Kornel Max’ed Daahir Cabdulle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xamar-weyne uu waajib ku yahay ilaallinta ammaanka degmadaasi, isagoo sheegay in Maamulka iyo Ciidamada aysan u dul qaadan doonin dadka amni darrida ka wada gudaha degmadaasi.

Dilka Askarigaani ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ayaa waxa uu fariin cad u yahay askarta kale ee ku sugan gudaha degmadaasi oo Saraakiishoodu kaga digeen inay dhibaateeyaan dadka rayidka iyo inay isku xad gudbaan Ciidamada dhexdooda.

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter