Nairobi: (Sh.M.Network) — Wasiirka Difaaca ee Dowladda Kenya Yuusuf Xaaji oo ka halayay Xaflad lagu qabanayay Iskuul ku yaalla dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya qeybtana ka ah howlgalka AMISOM ay dileen 3-kun dagaalyahanno oo ka tirsanaa Al Shabaab.
Yuusuf Xaaji ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Al Shabaab ay ka burburiyeen Saanad Militari intii ay wadeen howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Al-qaacidda, isagoo tilmaamay in dhanka Kenya ay dagaaladaasi ku waayeen 22-Askari iyo sidoo kale Diyaarad Helekpotar ah sida uu hadalka u dhigay.
“ Waxaa cad in Ciidamadeenu ay Naftoodu u hureen sidii Al Shabaab looga saari lahaa gobolada Jubbooyinka, sidaasi darteed, intii uu howlgalka socday, waxaan ku dilnay 3-kulan oo ka tirsanaa Kooxdaasi” sidaasi waxa yiri Yuusuf Xaaji.
Hadlkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli 14-ka bishan ay ku beegan tahay xilligii ay Ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya, iyadoo taasi ay dheer tahay in qabsashada deegaanno ay ka mid tahay Jubbada hoose ay ku qaadatay muddo hal sano ah.























Comments are closed.