Askar ka tirsan Dowladda oo dad rayid ah ku dilay Muqdisho

maalik_som October 11, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) — Rasaas gaysatay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxa ay ku fureen dad saarnaa Gaari Rakaab ah. 

Inta la ogyahay seddax ruux ayaa ku geeriyootay halka labo kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii seddax Askari oo ka tirsan Ciidamada Militariga Dowladda Soomaaliya ay rasaas bareer ah ku fureen Gaari BL-ah oo marayay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho. 

Rasaasta ay fureen Ciidamada Dowladda ayaa waxa ay timid kaddib markii ay isku dayeen inay si xoog ah ku raacaan Gaari Rakaab ah oo ku wajahnaa gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana dadkii ku dhaawacmay loo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay mid ka mid ah dad ku dhaqan nawaaxiga Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho. 

“ Waxay ahaayeen Ciidamada Dowladda rasaas ayay si toos ah ugu fureen, Gaari Rakaab ah, waayo Gaariga wuxuu diiday in uu qaado, markii uu bartiireeyayna waxaa oodda looga qaaday Rasaas” sidaasi waxa yiri mid ka mid dadka ku sugan Isgoyskaasi. 

Ciidamadii ka dambeeyay israsaaseynta sababtay dhimashada iyo dhaawaca ayaa isaga baxsaday goobtii ay dadka rayidka ahaa ku dileen, mana jirto illaa iyo iminka wax gurmed ah oo ka socda Ciidamada dowladda oo gaaray halkaasi. 

Inta badan Rasaasta ay is weedaarasadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay waxyeello kala duwan kasoo gaartaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, iyadoo aan jirin illaa hadda cid wax ka qabtay dhibaatooyinkaani oo noqday kuwa joogtop ka noqday Magaalada Muqdisho.

Comments are closed.

Facebook

Twitter