Carbiska: (Sh.M.Network) — Barqanimadii maanta ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxa ay Rasaas bareer ah oo gaysatay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku fureen Gaari Rakaab siday oo marayay inta u dhaxeysa Deegaannada Carbiska iyo Xaawo-Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Rasaasta ayaa la sheegay inay ka dambeysay kaddib markii Ciidamada Dowladda ay dambceen inay istaajiyaan gaariga, hase ahaatee uu ka dhaga adeegay Darawalkii ka xeynayay Gaariga oo ka baqdin qabay in Gaariga lagula dhaqaaqo fal dhac ah sida uu Idaacadda Shabelle u sheegay goobjooge ku sugnaa halkaasi.
Inta la ogyahay hal ruux oo Haweenay ah oo ka mid aheyd Rakaab, islamarkaana Caano kasoo qaadday deegaanno ka tirsan Sh/hoose ayaa ku geeriyootay labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray, iyadoo Ciidamadii dilka gaystay ay isaga baxsadeen goobtaasi.
Jeneral Ibraahim Yaroow oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee gobolka Sh/hoose ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay xaqiijiyeen ammaanka inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, lana qaaday Isbaarooyin yaalla wadadaasi.
Inta badan deegaannada duleedka ka ah Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka dhaca falal ammaan darri oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee isticmaala wadada dheer ee Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo Saraakiisha ay ballan qaadeen inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka, haddana aan muuqan tallaabo si rasmi ah looga qaaday Ciidamada dhibaateeya dadka shacabka ah.























Comments are closed.