Paris: (Sh. M. Network) Uqeybsanaha Ururka Midowga Yurub ee Siyaasadda arrimaaha dibadda Catherina Ashton iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa booqday maraakiibta Atlanta ee la dagaalanka burcad beeda ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.
Catherine Ashton oo dul saarneyd Markab kuwa dagaalka ah ee dalka Faransiiska oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa war ay siisay warbaahinta dalka Faransiiska waxa ay faah faahin kaga bixisay howlgalka Atlanta iyadoo tibaaxday in Atlanta ay bad baadiyeen Xeebaha Soomaaliya oo ay ka dillaaceen burcad badeedu kuwaasi oo dhibaato lixaad leh ku haya Maraakiibta Ganasiga.
“ Burcad badeeda waa in wax laga qabtaa, waayo waxay dhibaato ku hayaan Maraakiibta ganacsiga, marka Ciidamada Atlanta howl wanaagsan ayay ka qabteen Kooxahaasi” sidaasi waxa tiri Catherine Ashton.
Uqaysabsanaha Siyaasadda arrimaha dibadda Yurub ayaa umahad celisay Howlgalka Atlanta ay ka waddo xeebaha Soomaaliya, iyadoo shaaca ka qaaday in Midowga Yurub uu la garab taagan taageero ballaaran.























Comments are closed.