Muqdisho: (Sh. M. Network) Prof. Xasan Sheekh Max’ud waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955-tii halkaasoo uu ka bilaabay waxbarashada Dugsiga Quraanka Kariimka iyo Iskuul.
Mudane Xasan ayaa Waxbarasho u soo aaday Magaalada Muqdisho, isagoo kaddibna ku biiray Jaamacaddii Ummada Soomaaliyeed ‘SNU’ sanadkii 1978, wuxuuna ka qalin jabiyey sanadkii1981.
Sanadkii 1988 ayuu Xasan Sheekh ka qalin jabiyey Jaamacadda Phobal University ee dalka India, wuxuuna ka qaatay shahaadada Master Degree.
Sanadkii 1993 ayuu dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna shaqo ka helay Hay’adda UNICEF, isagoo noqday Sarkaalka dhanka waxbarashada ee u qaabilsan Hay’ad dhanka waxbarashada ee Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Sanadkii 1999 wuxuu aas aasay Machadka SIMAD oo hadda isu bedelay Jaamacad oo ku taalla Magaalada Muqdisho.
2001 wuxuu ku biiray Hay’adda wadatashiga iyo Cilmibaarista ee CRD,isagoo ka noqday cilmi bare ka shaqeeya colaadaha dalka Soomaaliya.
2007 waxa uu la soo shaqeeyay hay’ado badan oo ay ka kamid tahay UNDP.
2009-2010 wuxuu ku biiray siyaasadda, isagoo la taliye ka noqday wasaarada xariirka caalamiga iyo iskaashiga ee dowladdii tagtay ee KMG ah,waxaana aad uu uga soo shaqeeyay arrimaha gar-gaarka bini’aadannimo.
Sanadkii 2011 ayaa Xasan uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Xisbi oo uu magac ugu dhigay Xisbiga Nabada iyo Horumarka [PDP] kaasi oo uu isaga gudoomiye ka noqday. Illaa haddana waxaa uu hogaamiyaa xisbigaasi.
Mudane Xasan Sheekh wuxuu ku hadlaa luuqadaha Soomaali iyo English. Waxaana dadka yaqaana ay sheegayaan in Xasan uu aad ugu dhow yahay Ururka Al Islaax, waana nin aad u dhexgala qeybaha kala duwan ee bulshada oo dabcan haddana sabab u noqotay inuu ku guuleysto madaxtinimada dalka.























Comments are closed.