Amnesty: Cadaaladda hala horkeeno dadka dhibaateeya Saxaafadda

maalik_som August 16, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh. M. Network)    Hay’adda Amnesty International ee Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in Maxkamad lasoo taago dad ay ku tilmaamtay Dambiilayaasha dilalka u gaysta Saxafiyiinta ka howla gudaha dalka Soomaaliya.

Amnesty ayaa sheegtay in intii lagu guda jiray todobaadkaani kaliya Magaalada Muqdisho mar kale ay ka dhaceen dilal lagu qaarijiyay Saxafiyiin ka howlgali jirtay  Muqdisho, taasina ay muujinayso in wali aan waxba laga qaban dhibaatada haysata dadka ka shaqeeya howlaha Saxaafadda Soomaaliya.

Hay’adda Amnesty International ayaa ugu baaqday Xukuumadda KMG ah inay cadaaladda horgeyso Kooxaha caqabadda ku ah horu usocodka Saxaafadda Soomaaliya, islamarkaana mar waliba dhibaatada la daba taagan Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Amnesty ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka inay soo saareen qawaaniin Caalami ah oo xakameyn kara dilalka qorsheysan ee loo gaysto Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Comments are closed.

Facebook

Twitter