Nairob(Sh.M.Network)—Saraakiisha ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa shegay in ay Adkeeyeen ammaanka guud ahaanba dalka Kenya si looga hortago in Xarakada al shabaab ee kadagalanta dalka Somaliya ay falal ammaan dari kafiliyaan dalkaasi iyagoo kafa,idaysanaya Sanad guuradii 49aad ee xurnimada dalkaasi -oo ka dhacaysa Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Dabaal daga Sanad guurada 49aad-ee xuriyadda markii uu qaatay dalka Kenya ayaa waxa uu kadhacayaa Garoonka Niyayo ee Magaalada Nairobi iyadoona ciidamada ammaanku ay gaaf wareegayaan jidadka soo gala iyo kuwa kabaxa Magaalada Nairobi iyo Magaalooyinka kale ee kuyaalla dalka Kenya.
Dowlada Kenya ayaa tibaxday in loo adkeeyay amaanka sidii loogu talagalay ciidamaduna ay diyaar uyihiin inay kahortagaan dhibaato walba oo ay isku dayaan inay sameyaan Al Shabaab taasi oo lagu wax yeeleynayo ammaanka dalka Kenya.
Tan iyo markii ay Kenya soo gashay gudaha dalka Somaliya ayaa waxaa kadhacay dalka Kenya weeraro iyo qaraxyo ay dadi kudhinteen kuwaasi oo inta badan ay shegteen Al Shabaab .























Comments are closed.