Afgooye: (Sh.M.Network) Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Sh/hoose Cumar Max’ed Cilmi Carabeey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in wax laga qabanayo dhibaatooyinka lagu hayo dadka isticmaala wadada dheer ee xiriisa Muqdisho iyo Afgooye.
Cumar Carabeey ayaa waxa uu sheegay in Maamulka gobolka Sh/hoose muddooyinkii dambe uu ka warhayay cabashooyinka isdaba joogga ah ee kasoo yeerayay guddiga Gaadiidleyda, ganacsatada iyo dadka rayidka ah ee lagu dhibaateeyo inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye, isagoo xusay in wax laga qbanayo arrinkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan looga gaari doono xal kama dambeys ah sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye ku xiggeenka ayaa waxa uu sheegay in ammaanka wadadaasi ay sugaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, balse aysan joogin Ciidamo isugu jira Nabad sugid iyo Booliska Soomaaliyeed.
Marar badan ayaa Mas’uuliyiinta Maamulka Sh/hoose waxa ay ballan qaadeen in wax laga qabanayo ammaanka wadada dheer ee xiriisi Muqdisho iyo Afgooye, hase ahaatee waxaa xusid in aan jirin tallaabo muuqata oo laga qaaday Kooxaha ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda oo mar waliba dhac ka gaysta wadadaasi.























Comments are closed.