Ammaan darrida Kismaayo oo cirka isku sii shareertay

maalik_som October 8, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network) — Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladda Magaalada ay kasii darayso islamarkaana ay joogto ka noqdeen dhaca iyo boobka baahsan. 

Dad deegaanka ah ayaa sheegay in rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay qaati ka taagan yihiin tan iyo markii meesha laga saaray Al Shabaab, waxaana ay codsadeen in wax laga qabto.

“ Dhibaatada way sii korartay markii ay Magaalada la wareegeen Ciidamada Dowladda, xaaladda ayaa nagu kacsan, heer waxaa la gaaray in guryaha la isugu dhaco xilliyada habeenkii iyo dharaarta cad” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah. 

Sarkaal lagu magacaabo Max’ed Faarax Daahir oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ay ka hortagayaan islamarkaana falalkaasi ay wadaan dad dilaya sumcadda Ciidamada Xoogga dalka. 

“ Waxaan wadnaa baaritaan aan ku xaqiijinayno ammaanka, waxaa weeye Kooxo dilaya sumcadda Ciidamada Xoogga ayaa dhibaateeya shacabka” sidaasi waxa yiri Max’ed Faarax Daahir oo ka mid ah Saraakiisha Jubbada hoose. 

Kismaayo hadda waxa gacanta ku haya Ciidamada Dowladda, Kenya iyo Ururka Raaskambooni, waxaana marar badan ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geysto dad rayid ah iyo dhac baahsan oo lagula dhaqaaqo ganacsatada ku sugan halkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter