Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay la wareegeen xaqiijinta ammaanka inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka jireen falal ammaan darri.
Iyadoo ay xusid mudan tahay in dhibaatooyin kala duwan ay ka jiraan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa lasoo sheegayaa in Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmooyin iyo deegaanno hoostaga ay la wareegeen xaqiijinta ammaanka wadadaasi.
Darawalada ka xeeya Gaadiidka ka shaqeeya wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye oo Shabelle la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in gaadiidleyda ay si weyn usoo dhaweynayaan xaqiijinta ammaanka oo ay ciidamada AMISOM ay sugayaan ammaanka inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.
“ Waan soo dhaweynaynaa in Ciidamada AMISOM la keeno wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay waliba ammaankeena sugaan, waayo dhibaato ayaan ku qabnay rag ku labisan dareeska Ciidamada dowladda oo mararka qaar aan kala kullano dhac” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah darawallada Muqdisho oo ka gaabsaday magaciisa.
Lawareegitaanka Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xilli muddooyinkii u dambeeyay dadka shacabka ah ay ka cabanayeen ciidamo ku labisan dareeska dowladda oo dhibaato u geysan jiray dadka shacabka ah ee saaran gaadiidka ka shaqeeya inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye
























Comments are closed.