MUQDISHO (Sh.M.Network)—Warsaxaafadeed ay soo saareen AMISOM ayaa loogu baaqay dagaalyahanada Al shabab ee ku sugan magaalo xeebeedka Kismayo inay hunka dhigaan oo ay isku soo dhiibaan Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa.
Maj. Gen. Simon Karanja oo ah ku xigeenka Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa ku sheegay Warsaxaafadeedka inay jiraan dagaalyahano dhowr ah oo horay ula soo xariiray Ciidamadooda islamarkaana sheegay inay rajaynayaan inay dagaalka joojiyaan oo isasa soo dhiibaan,kuwaasi oo ay u balanqaadeen inay siinayaan nabadgelyo.
“Waxaan ugu baaqaynaa dagaalyahanada Al shabab ee ku harsan Kismaayo inay si deg deg ah ay hubka u dhigaan si aan looga dhexdagaalamin Shacabka deggan gudaha magaalada,” sidaasi waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeedka AMISOM.
Sidoo kale Maj. Gen. Simon Karanja waxa uu Warsaxaafadeedka ku sheegay in AMISOM ay aad ugu walaacsantahay dadka ay Al shabab ku weerarayaan Guryahooda oo ay ku qasabayaan inay ka barakacaan magaalada Kismayo.
Ugu danbayn AMISOM waxa ay Hay’adaha Gargaarka ah ay ugu baaqeen inay kaalmooyin Bini’aadanimo oo deg deg ah gaarsiiyaan dadka ku nool Magaalooyinka iyo deegaanada ay dhowaan qabsadeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwaKenyaee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.