AMISOM Oo sheegtey Iney Fashilisey Weerar Lagu Dili Rabey Wasiirka Arimaha Gudaha

maalik_som December 5, 2012 Comments Off

Muqdisho ( Sh.M.Network )—  Taliska sare ee AMISOM ayaa waxa uu sheegay inay ka hortageen weerar maalin kahor lagu qaarijin lahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Federalka ee Soomaaliya Cabdi kariin xuseen guuleed xilli uu booqasho ku marayay Gobolka Shabeleha Hoose.

Lt Gen Andrew Gutti, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM ayaa tilmaamay in AlShabab ay isku dayeen isniinti lasoo dhaafay inay weerar miino ah ku dilaan wasiirka oo maray deegaanka Bufow oo ku dhow Magaalada Marka basle ay ka hortageyn isku daygaasi.

Gen Andrew Gutti, waxa uu sheegay in weerarkaasi uu noqday mid fashilmay oo ay iska caabiyeen weerarka gaadmada ahaa iyaga iyo ciidamada Soomaaliya oo ilaalo ka ahaa kolanyada uu l asocday wasiirka Arimaha Dudaha ee Dowlada Cabdi kariin xuseen Guled.

Dhinaca kale Andrew Gutti waxa uu shaaca ka qaaday in nabad galiyada shacabka uu yahay ahmiyadooda 1-aad sidaasi darteedna ay  sugaan amaanka wadada udhaxaysa muqdisho iyo marko halkaasi oo dhowr jeer lagu weeraray madax ka tirsan Dowlada Somalia.

Comments are closed.

Facebook

Twitter