AMISOM oo sheegtay inay xaqiijinayso ammaanka Musharixiinta

maalik_som August 17, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Taliska AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay sugayaan ammaanka Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho oo la fillayo inay marti galliso Doorasho Madaxtinimo oo lagu wado inay dhacdo bishan August ayaa waxa ku sugan Musharaxiin aad u badan oo ay qeyb ka yihiin 3-da Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo ay ammaankooda si gaar ah u sugayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Kornel Cali Aadan Xumed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay dhex dhexaad ka yihiin Siyaasiyiinta isu soo sharaxaya qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Kornel Xumed ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay diyaar u yihiin in si simman ay u xaqiijiyaan ammaanka Musharixiinta, isagoo tilmaamay in Gaadiidka Gaashaaman ay ku saacidi doonto Musharixiinta AMISOM ka codsata inay ammaankooda la sugo.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka howlgaliyeen Booliska gaarka ah ee AMISOM, si loo xaqiijiyo ammaanka dadka shacabka ah, isagoo xusay in Ciidamada Dowladda ay ku dhiiro gallinayaan dhowrista xuquuqda Musharixiinta si loo hubiyo doorashooyin si nabad galyo ah kaga dhaca Magaalada Muqdisho.

Inkastoo Taliska Ciidamada AMISOM maanta uu sheegay inay sugayaan ammaanka Musharixiinta ayaa haddana dhawaan Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya waxa uu ka digay in Musharixiinta  ay si gaar ah u adeegsadaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

Comments are closed.

Facebook

Twitter