Muqdisho (Sh.M.Network) Afhayeenka Ciidamada AMISOM Korneel Cali Aadan Xumud oo maanta lahadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Kuwa dowladda Soomaaliya oo dhawaan tababar ku soo qaatay dalka Uganda ay Howl gallo ay kula dagaalamayaan Ururka Al Shabaab dhawaan ka fulin doonaan Gobollada Koofurta Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamadaani ay soo qaateen Tababarro Xoogan kuwaasi oo ka Hortagi doona Weerarada Ururka Al Shabaab islamarkaana qorshaha uu yahay in la xaqiijiyo Ammaanka.
Korneel Cali Aadan Xumud oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in Ciidmada AMISOM ay sii wadi doonaan Howl galladooda ka dhanka ah Ururka AL Shabaab si loo wiiqo awooda Al Shabaab oo haatan lagala wareegay inta badan Gobolladii ay Maamulayeen.
Ugu dambeyn Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ugu baaqay Ajaanibta ka bar bar dagaalanta Ururka Al Shabaab in ay isaga Baxaan dalkal.























Comments are closed.