AMISOM oo sheegtay in ay qarameeyeen Maleeshiyo Beeleed

maalik_som January 1, 2013 Comments Off

Baladweyne(Sh.M.Network)—Taliyaha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Korneel Dubad oo lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Maleeshiyo Beeleedyada ku sugnaa Magaaladaasi in ay ku biiriyeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay haatan yihiin Ciidan Qaran.

Korneel Dubad ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay tababar ufidiyeen Maleeshiyada Joogtay Magaalada Baladweyn kahor inta aan lagu biirin Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Gobolka Hiiraan Korneel Dubad ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in ay gacanta k dhigeen rag falal ammaan darri ka geestay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Korneelka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu Carabka ku dhuftay in  ragg La soo qab qabtay ay ku jiraan raggii ka dambeeyay dil Magaaladaasi loogu geestay Guddoomiyihii odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan

Kol hore ayey ahayd Markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in Maleeshiyo Beeleedyada lagu biirinayo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter