AMISOM oo sheegtay in ay bilowdeen howl gallo lagu soo qabanayo hub iyo waxyaabaha qarxa

maalik_som October 25, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Korneel Konisifa Mowangira oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka AMISOM oo warbaahinta kula hadlay Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu bilaawaday howlgallo lagu soo qab qabanayo hub iyo waxyaabaha qarxa oo gacanta ugu jiro Ururka Al Shabaab.

Korneelka ayaa xusay in howlagallada ay ka bilaabanayaan deegaanada iyo degmooyinka ay ka taliyaan ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda isagoona dhalinyarada ka tirsan Ururka AL Shabaab ugu baaqay in ay isi soo dhiibaan si ay uga qayb qaataan geedi socodka Nabadda Soomaaliya.

Shalay ayey ahayd markii ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda howlgallo ay ka sameeyeen Gobolka Sh/hoose ay ku soo qab qabteen hub iyo waxyaabaha qarxa kuwaasi oo ay sheegeen in ay isticmaalayeen Uuruka Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter